Select Page

Dhowr jeer ayaan maqlay in dad Soomaaliyeed – oo waliba kuwo magac bulshada ku leh ku jiraan- ay arrimo caafimaad u aadeen dalka Hindiya. Waxaa la sheegay in lagu doortay adeeg caafimaad oo wanaagsan iyo qiimaha oo aad u jaban marka loo fiiriyo dalalka kale ee adduunka. Soomaalida kaliya ma ahane, dalal badan oo caalamka ah oo Yurub iyo Ameerika ka tirsan ayaa looga yimaadaa adeegga caafimaad ee Hindiya.

Bishii July ee sanadkaan, Ayaan adeeg caafimaad ugu baahannay wiil cidda u yar, Baaritaanno lagu marsiiyay Kenya iyo Soomaaliya kaddib, waxa noo soo baxday in aan Hindiya u qaadno, adeegga caafimaad ee aan ka heli karno iyo qiimaha oo aanan ka badnayn intii Kenya lagula sammayn lahaa- Laakin kaba yaraaday- dartood. Alle Mahadii waa lagu soo guulaystay waana ka soo laabannay.

Haddaba macluumka safarkaas qaarkiis ayaan jecleystay in aan idinla wadaago si dadka doonaya ay uga faa’iideystaan.

Sideed ku heli kartaa fiisaha Hindiya?

Soomaalidu waxa ay dhibka ugu badan kala kulmaan helidda Fiisaha Caafimaadka ee Hindia. Waxaa u sabab ah, Hindiya oo safaarad ku lahayn Soomaaliya iyo bukaannada intooda badan ama qaraabadooda raaci rabta oo aan dalalka dariska ah si fudud ku tagi karin si ay Fiisaha u dalbadaan. Arrintaasi waxa ay keentay in ay abuurmaan dallaallo lacag badan ka qaata Soomaalida si ay fiisaha ugu soo saaraan. Waxaa laga yaabaa in kun dollar iyo badan laga qaado qof si fiiso loogu soo saaro, halka lacagta ay safaaradda Hindiya ay fiisaha caafimaad ka rabto ay tahay 80 ilaa 120 doollar.

Dhibkaan, Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Hindiya waa ay ka wada hadleen, Safarkii ugu dambeeyay ee Wasiir Yuusuf Garaad ku tagay Hindia, waxaa la isla gartay in xafiis fiisooyinka bixiya laga hirgaliyo magaalada Muqdisho – inta ay Hindiya safaarad uga furaynayso Soomaaliya, si Soomaalida gudaha joogto halkaas uga helaan Fiisaha ama dal ku galka. Arrintaasna waa lagu howlan yahay.